Puntland oo dalab xasaasi ah u dirtay DF Soomaaliya (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay kusoo wareejiso Puntland qoondadii ay ku lahaayeen tirada Xujeyda ee sanadkan soo gudaneysa Waajibaadka Xajka.

Wasiir Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in 11,500 oo qof ay sanadkan Soomaaliya ka xajinayaan, iyadoo geed fadhi ay dowladda uga yihiin soo gudbinta Saamiga ay Dowladda Puntland ku leedahay dadkaasi.

Dhanka kale, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland ayaa sheegay inay wadaan diyaar garowgii u dambeeyay oo ku aadan Xajka sanadkan, isagoo xusay inay ku aadeyso bisha Sideedaad ee sanadkan 2019.

Daawo.

IDIL NEWS