Ra’iisulwasaare Abiy oo u hambalyeeyey Agaasimaha cusub ee Xafiiska QM ee Nairobi.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Qoraal ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiye Axmed ayaa loogu hambalyeeyey Wasiira arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi oo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters ayaa Workeneh Gebeyehu Negewo u magacaabay in xafiiska Jimciyadad Qurumaha ka dhexeysa ee Nairobi agaasime guud ka noqdo.

Raiisul Wasaare Dr Abiye AXmed ayaa sheegay in Workeneh Gebeyehu Negewo uu yahay shaqsi qibrad iyo waayo aragnimo badan leh,islamarkaana uu ka soo bixikaro shaqada loo dhiibay.

Workeneh Gebeyehu Negewo ayaa mudo 20 sano ah xilal kala duwan ka soo qabtay dalkaasi Itoobiya,waxaana raiisul wasaaraha Itoobiya uu ku ammaanay in uu yahay shaqsi wax badan ka yaqaano maamulka iyo nidaamka dowladnimo oo meelo kaladuwan uu kaga soo shaqeeyey.

Wuxuu xusay in uu dhowr muuqda ku lahaa isbedelada iyo dib u habaynta howlaha siyaasadda arrimaha dibadada ee wasaaradda qaabilsan,gaar ahaan dib u soo celinta xiriirka iyo wadashaqeynta Itoobiya ay la lahayd wadamada gobolka Geeska Afrika.

IDIL NEWS