Kampala: Madaxweyne Museveni oo ku hanjabay inuu la baxayo Ciidamada ka jooga Somalia.

KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni, ayaa ku hanjabay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya uu la bixi doono, haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u soo jeediyaan in la dhimo tirada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in asaga oo shakhsi ah uu ku wargeliyay Golaha Ammaanka in haddii Goluhu uu amar ku bixiyo in la dhimo Ciidamada Uganda uu la bixi doono 6,400 Askari ee hadda jooga Soomaaliya.

“Waxa ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka in la dhimo tirada Ciidamadeenna,laakin waxa aan u sheegnay in dhimayo,balse aan soo saareynin ilaa aan dhammaantood aan soo wada saaro”ayuu yiri Yuweri Musavene Madaxweynaha Uganda.

Hadlka Madaxweynaha Uganda ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, uu asna ku hanjabay in Ciidamadii uu kala baxayo Soomaaliya, kadib markii Golaha Ammaanka ay soo jeediyeen in Soomaaliya laga soo saaro 1,000 Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ka midka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 400 oo ka mid ah Askarta Burundi ka baxeen Soomaaliya halka 600 kale ay wali ku sugan yihiin.

IDIL NEWS