Shaki laga muujiyay burburkii diyaarada Itoobiya Airlines(Daawo)

Kooxda samata-bixinta,ayaa gaartay meeshii uu shilku diyaaradii Ethiopia uu ka dhacay Bishoftu oo ah magaalo 60-km koonfur Bari ka xigta Addis Ababa caasimada Dalkaas.

149- rakaab ah iyo siddeed shaqaale,ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen shilka

Dhanka kale shakigeeda ayay leedahay dhicida diyaarada,Mr. Tewolde Gebre Mariam Madaxwaynaha shirkada diyaaradaha itoobiya,ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay,wuxuuna dhex is taagay burburkii Diyaarada ET302,iyadoo ay socoto baaris xoog badan.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa “Boeing 737 -800MAX” ayaa ahayd mid cusub oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline soo iibsatay 4 bilood uun ka hor.

Dadka la socda xaalka Itoobiya,ayaa tilmaamaya in burburka diyaarada uu shaki weyn ka jiro,kaasoo ku aadan in Raga xarig jiidka siyaasadeed uu ka dhaxeeyo uu dagaalkoodii galay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka