Tunisia: Wasiirkii Caafimaadka oo isku-casilay geerida 11 Carruur ah.

TUNIS (IDIL NEWS)-Wasiirka Caafimaadka Tunisia Abderraouf Cherif, ayaa is casilay kadib markii ay ku dhinteen 11 caruur ah cisbitaal ku yaala Magaalada Caasimadda ah Tunis, sida ay sheegayaan wararku.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Tunisia ayaa xaqiijisay Geerida 11 Carruurta ah, oo dhintay intii u dhaxaysay 7-8 Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed, oo kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, ayaa sheegay in baaritaan lagu bilaabay hannaanka daaweynta caafimaadka, daawooyinka iyo nadaafada jirka ee Carruurta geeryootay.

Mudane Cherif iscasilaadiisa ayaa imaanaysa afar bilood kadib markii uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed.

Dadweynaha Tunisia oo ugu hadlaya geerida Carruurta iyo Is-casilaada Wasiirka, ayaa sheegay in cudurka uu sababay waxyaabo ka mid ah tayada adeegyada isbitaalada oo hoos u dhacday, iyagoona sidoo kale dhaleeceeyay “xaalado aan sugneyn oo ay ku shaqeeyaan xirfadlayaasha caafimaadka”.

IDIL NEWS