Yaa loo magacaabay Agaasimaha Maamulka Maaliyadda Madaxtooyadda DPL ?

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u Magacaabay C/qafaar Maxamed Maxamuud (Geeddi) Agaasimaha Maamulka Maaliyadda Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

Mr. Geeddi ayaa waxaa uu bedeli doonaan C/naasir Maxamuud Gurey, kaas oo uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Deni.

Agaasimaha Cusub ee Maamulka Maaliyadda Madaxtooyadda Puntland C/qafaar Geeddi, ayaa sanadihii ugu dambeeyay kunoolaa Dalka Zambia, Dadka yaqaana ayaana sheegay in uu yahay qof Aqoon iyo khibrad leh kuna haboonaa Xilkan.

IDIL NEWS