Beledweyne: Ciidamada oo baadi-goobaya Nin Kufsaday 9 sanno jir.

BELEDWEYNE (IDIL NEWS)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, ayaa Sheegaya in Ciidamada amnigu ay baad-goob ugu jiraan Nin kufsaday Gabar 9 sanno jir ah.

Guddoomiyaha Degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim foodcadde, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Ninkii ka dambeeyey kufsiga Gabadha yar.

Guddoomiye Food-cadde ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Magalada Baladweyne kusoo bateen falal la xiriira dhinaca amniga,isla markaana taasi ay walaac ka muujinayaan, waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin.

Kufsigan ka dhacay Magaalada Beledweyne, ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Degaanada Soomaalida kusoo bateen kufsiga Haweenka, gaar ahaan Gabdhaha, taas oo ay laamaha ammaanku walaac ka muujinayeen.

IDIL NEWS