Kismaayo: Qaban-qaabada soo dhaweynta Ra’iisulwasaare Kheyre oo socota (Sawirro)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxaa la filayaa in uu saacadaha soo socda gaaro Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta Ra’iisulwasaare kheyre, ayaa ka socota Kismaayo Iyadoona jidadka magaalada laga taagay Boorar lagu xardhay Safarka Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa maalinimadii sabtida aheyd baajiyay Safarkiisa Kismaayo, kaddib geeridii jimcihii ku timid Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum C/rixmaan Xoosh Jibriil, kaas oo shalay aas qaran loogu sameeyay Muqdisho.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmi doona Madaxda ugu sareysa Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoona kala hadli doona soo celinta xiriirka DF Soomaaliya iyo Jubbaland.

Amniga Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, Iyadoona Xaafadaha Magaalada iyo Waddooyinka waa weyn ay gaaf wareegayaan Ciidamada amniga, kuwaas oo baaris ku sameynaya Gaadiidka.

Sawirro.

IDIL NEWS