Maxay tahay Ujeedada Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Uganda ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo shir ay ka soo qeybgali doonaan qaar ka mid ah madaxda dalal ka mid ah qaarada Afrika, Iyadoona safarkiisani uu yahay kii saddexaad ee uu uga baxo dalka bishan oo kaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni iyo weliba madaxda kale ee ka qeybgalaysa shirka.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dhowr jeer Madaxweynaha Uganda uu hadalo qadaf ah ku tilmaamay dowlada Soomaaliya, Sidoo kalena uu ku hanjabay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.

IDIL NEWS