Muqdisho: Guddoomiye Yariisow oo soo saaray Digniin adag (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan( Yariisow), oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa amray in laga guuro Xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada Cabdulcaziiz ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in markii uu arkay baahida deg dega ah ee loo qabo in safaaradaha iyo diblumaasiyiinta loo asteeyo goobo ay ku howlgallaan uu soo saaray Xeer dadka degan looga saarayo Xaruntii Ciidamada Badda iyo Guriga taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliya

“Waxaa la ogeysiinayaa ama lagu wargelinayaa cid allaala iyo cidii ay quseyso in Xaruntii ciidamada Badda iyo Guryihii Taliyaha ciidanka Badda loo asteeyay Goob ama deegaan diblumaasi ah, dhulkaas oo markii hore ahaa dhul dowladeed,qorshaan ayaa u jeedadiisu tahay in Caasimadda ay la tartanto Caasimadaha Caalamka, waxana dib lagala noqday dadkii dukumuntiyada u heystay maadama uu ahaa dhul dowladeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegay in cid allaala cidii amarkaan jebisay ama diida tallaabo sharci ah laga qaadi doono, waxana uu sheegay in Xarumahaas ay Guryo waaweyn oo dabaqyo ah ay ka dhisteen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

IDIL NEWS

IDIL NEWS