Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo oo amray Taliyayaasha Ciidamada inay Is-casilaan, hadii..

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay canaan kulul kala dul-dhacay Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir, Taliyaha qaybta G/Banaadir, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Afarta Taliye Ciidan ee Soomaaliya, kadib kulan xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo kulanka ku sugnaa ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay Madaxweynaha uu qayli iyo canaan uu kala dul-dhacay Taliyaash degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo Mas’uuliyiinta kale ee amniga, Iyadoona Madaxweynaha kulankii xalay ay ka muuqatay carro fara badan, sida ay sheegeen Goobjoogayaashu.

“Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan? Yaa idinku dhigan? Hadii aadnan waxba ka qaban Karin amniga Fadlan ka hor wareega Shacabka”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya sida ay shegeen ilo wareedyadu.

“Uma dulqaadan karo waxa socda, macquul maahan, hadii ay caqabad jirto maxaa idinka hortaagan inaa soo gudbisaan”, ayuu intaas ku daray Madaxweyne Farmaajo.

Mid kamid Saraakiishii ka qeyb-gashay kulanka ayaa Sidoo kale Sheegay in Madaxweynuhu uu yiri “Taliyihii iyo Guddoomiyihii degmadiisa wax ka dhacaan ee qaban waayo, waa fasax yuusan isku ceebeynin dadweynaha haka tago, wax idinka dhiman maleh Ciidamada waan idin kordhinay shaqayso ama baneey booska”

Kulankii xalay uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Taliyayaasha Ciidamada DF, Maamulada iyo Saraakiisha ammaanka Gobalka Banaadir, ayaa yimid xilli dhowaanahan Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen Weeraro isigu jira Qaraxyo iyo Dilal kuwaas oo galaaftay Nolasha Dad fara badan.

IDIL NEWS