Shirka dajinta qorshaha Dowlada Puntland oo beri ka furmaya Garowe

Magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland gaar ahaan xarunta wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa waxaa maalinnimada berri ah shir uga furmi doonaa golaha cusub ee wasiirada dowladda Puntland.

Shirkan oo ah mid ahmiyad gaar ah leh ayaa waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), golaha wasiirada iyo madaxda hayadaha dowladda Puntland.

Mudada saddexda maalmood ah ee uu socdo shirkaani ayaa waxaa looga hadli doonaa dejinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni.

Qodobada ka soo baxa shirka ayaa lafilayaa inay gundhig u noqdaan qorshayaasha waxqabad ee xukuumadda oo ay shacabka Puntland aad uga dhur sugayaan maadaama ay Puntland ku sugan tahay xilli aad u adag.