Taliyihii Ciidamada Booliska AMISOM oo ku geeryootay Diyaaradii Burburtay.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Kusimaha Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Cristine Alola, ayaa la xaqiijiyey inay ka mid aheyd dadkii ku geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee Axadii shalay ka dhacay dalka Itoobiya, kadib markii ay burburtay Diyaarada Ethiopian Airlines.

Cristine Alola ayaa la shaaciyey inay ka mid aheyd rakaabkii saarnaa diyaaradaas, oo kasoo kicitantay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya kuna sii jeeday Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa xaqiijiyey geerida Cristine Alola,waxaana saacadba saacada ka dambeysa isasoo taraya aqoonsiga qaar ka mid ah 149 Ruux oo Rakaabka diyaarada ka mid ahaa ee geeriyooday.

Si kastaba Diyaarada Ethiopian ayaa Axadii shalay waxaa ay ku burburtay meel u dhow Tuulo lagu Magacaabo Tulu Fara taas oo duleedka ka ah magaaladda Bishoftu oo 60-KM dhanka K/bari kaga toosan magaaladda Addis oo ah Xarunta dalka Itoobiya.

IDIL NEWS