Wasiir Beyle oo dhagax-dhigay Dhismaha xarunta ilaalada Canshuuraha (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn dhagax dhismaha xarunta ciidanka ilaalada canshuuraha ee loo yaqaan turubataariyada waxaana uu sheegay  inay  saldhig u tahay hagaajinta hannaanka canshuur qaadista.

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan dhagax dhignay xaruntii canshuur ilaaliyeyaasha ama ama turabataariyo ciidanka ee canshuurta ka shaqeeyo,waxay sal u yihiin uruurinta canshuuraha iyadoo la raacayo sharciga dalka u dhigan,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi xasan Bariise oo uga Mahad celiyay dadaaalka Wasaaradda Maaliyadda dhismaha xaruntan ayaa ka hadlay muhiimadeeda.

“ Waa sharaf iyo karaamo, waana meeshan dhexe ilaalinta canshuuraha,waa halka ciidanka ilaalada canshuuraha, sidan marar badanba idin kugu sheegay wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa Wasaaradda Maaliyadda,dakhliga uruurintiisa iyo xafidida goobtii la geeyo,ciidankii u tababarnaa oo aqoonta u lahaa waaye,” ayuu yiri Generaal Bariise.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidookale kale dhagax dhigay dhismaha  machadka dhaqaalaha dalka iyo 5 xarumood kale oo loogu talagalay canshuuraha, waxaana uu tilmaamay dhismaha shirkadaha maxaliga ay u tartameen kuna guuleysteen shirkadaha ka shaqeyanaya oo la filayo inay dhismaha dhammeystiraan bisha  Luulyo ee sanadkaan.

Dhismaha xarumahani oo loogu talagalay canshuur qaadista ayaa ku soo beegmaya xili Soomaaliya ay sameynayso kobac dhaqaale oo xooggan daqliga dowladda soo gala oo ay masuul ka tahay wasaaradda Maaliayadana uu kordhay sanadkii  tagay 31%.

Daawo.

IDIL NEWS