DEG-DEG: Puntland oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Somaliland (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland, ayaa si kulul looga hadlay Duulaanka Somaliland ay kusoo qaaday Gobalka Sanaag, kaas oo degaano kamid ay qabsadeen Ciidamadeedu.

Puntland ayaa Sheegtay in Somaliland ay kusoo qaaday duulaan sidii caadada u aheyd, ayna kusoo beegtay xilli ay Xukuuamdda cusub ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Deni isku diyaarinayso sidii loo soo afjari lahaa Argagixisada ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay had iyo jeer ilaalinaysa Xasiloonida Gobalka, balse haatan ay ka jawaabayso Daandaansiga Somaliland, Iyadoona ugu baaqday Shacabka inay u diyaar Garoobaan Difaaca Degaankooda.

Akhriso Qoraal Kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

IDIL NEWS