Kismaayo: Ra’iisulwasaare Kheyre oo kulamo la leh Madaxda Jubbaland.

KISMAAYO (IDIL NEWS)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa wadda kulamo gooni gooni ah, kuwaas oo uu la lee yahay Hoggaanka sare ee Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay kulan horudhac ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyagoona ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Bisha soo socota ee Agoosto la filayo inay ka dhacdo Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa loona xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda Federalka iyo Maamulka Jubbaland.

Bilihii ugu dambeeyey Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka dhaxeeyey khilaaf xoogan oo gaaray meeshii ugu xumeyd, Iyadoona Todobaadyadii lasoo dhaafay ay socdeen kulamo xariir ah oo la iskugu soo dhaweynayo labada dhinac, kuwaas oo ugu dambeyn sababay in Kheyre uu tago Kismaayo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in Maanta uu kulan la qaato Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) kaas oo looga hadli doono dhameynta mad madowga la dhexjira Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu Ra’iisulwasaaruhu ka qeyb-gali doonaa dhagax-dhiga mashaariic uu Jubbaland ka fulinayo Midowga Yurub.

IDIL NEWS