Madaxweyne Deni oo daah-furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga golleeyahay Hay’ado tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan.

Ujeedada shirka waxa uu ka koobnaandoonaa qodobo mihiim ah oo ay kamid yihiin.

1. Xogsiinta xubnaha Golaha Xukuumadda cusub dhinacyada habraacyada iyo xeer hoosaadka Golaha.

2. Diyaarinta ” Qorshayaasha hortabinta leh ee 2019 ” ee hay’addaha dowladda.

3. Xoojinta wadashaqaynta hay’addaha dowladda.

4. Ka doodista arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, si loo abuurto jawi iyo fahan ballaaran oo ku saabsan maaraynta iyo hogaaminta dalka.

Shirku waxa uu socondoonaa muddo sadex cisho ah, iyadoo lagaga doodayo qodobada kor ku qoran oo ay qayb ka tahay dhammaystirka ” mudnaanaha muhiim ka ah ee 2019 – 2019 key strategic priorities” ee Hay’addaha dowladda kaas oo ku fadhiya barnaamijkii.

Daawo.

IDIL NEWS