Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr Steven Lauwerier iyo wafti uu hogaaminayo.

Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Steven Lauwerier waxaa ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif.

Madaxa hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa ka mahadnaqay sida ballaadhan ee loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada, waxaa uu dowladda Puntland ku amaanay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leedahay Hay’adda UNICEF waxaana uu balan qaaday in ay dar-dar galinayaan howlaha shaqo ee ay ka hayaan Puntland.

Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay kulanka.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu kulan la qaatay madaxa ugu sareeya Soomaaliya Hay’adda UNICEF Steven Lauwerier kulanka ayaa ku saabsanaa wada shaqaynta guud, mashruuc caafimaad oo ay Dowladda Jarmalku ugu deeqday Puntland, mashruucaas oo lagu balaarinayo Cisbitaalka guud ee Garoowe. Isla’markaana Madaxweynaha ayaa cadeeyey in muhiimad balaaran uu leeyahay mashruucaasi, muhiimna ay tahay in la hirgeliyo,” Ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Dhinaca kale Madaxa Hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa muddo xileedkii shaqadiisu soo idlaatay, kulanka ayaa gees ka ahaa sagootin loo sameeyey madaxa Hay’adda UNICEF, iyadoona lagu mahadiyey shaqada uu qabtay mudadii uu joogey.

Ugu dambeyn, Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu mahadnaqay hay’adda UNICEF dedaalka faraha badan iyo waxqabdka balaadhan ay ka wado Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, iyadoo oo uu Madxweynuhu xusey in ay wadashaqaynta wanaagsan ee UNICEF kala dhaxaysa Puntland uu dar-dargelinaayo.

Daawo.

IDIL NEWS