Xiisad dagaal oo saaka ka jirta Degaano kamid ah Gobalka Sanaag.

YUBBE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Sanaag, ayaa sHeegaya in degaano kamid ah Gobalkaas ay ka jirto Xiisad Dagaal u dhexeysa Ciidamada Dowladda Puntland iyo kuwa Somaliland.

Xiisadan dagaal ayaa ka dhalatay kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamo ku sumadan Ciidamada Somaliland ay la wareegeen degaano kamid ah Gobalka Sanaag, oo ay kamid yahay Degaanka Yubbe.

Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland ee Degmada Dhahar Gaashaanle Sare Siciid Cali Cumar,  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka warhayaan Ciidamada Somaliland ay keentay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, balse aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin.

Gaashaanle Sare Siciid, ayaa xusay in Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland eek u sugan aagaga Degaanadaas ay ku jiraan Heegan buuxa, Sidoo kalena ay ka jawaabi doonaan Daan-daansiga Maamulka Somaliland.

IDIL NEWS