Gaalkacyo: Khasaare ka dhasay dagaal dhex-maray Labo Maleeshiyo Beeleed.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Inta la xaqiijiyay 2 Ruux ayaa ku geeryootay, tiro ka badana waa ay ku dhaawacmatay dagaal saaka ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaas oo u dhexeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta Dhul u dhow Xabsiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo (Gaalshire), waxaana la sheegay in dhinacyada dagaalamay ay Maalmihii u dambeeyay is horfadhiyeen.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Dadaal ay sameeyeen Maamulka Gobalka Mudug, kan Degmada iyo Waxgaradka kaddib lagu guuleystay in la kala qaado Maleeshiyaadkii dagaalamay, iyadoona haatan ay Meeshii lagu dagaalamay la wareegeen Ciidamada Xasilinta Gobalka Mudug.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS