Garoowe: Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland oo maalintii labaad socda.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland maalintii labaad ka socda shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo uu shalay furmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Shirkan oo ka socda Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland ayaa looga golleeyahay Hay’addo tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan, sida uu sheegay Madaxweyne Deni.

Shirkan oo lasoo gaba-gabeyn doono maalinimada berri ah, ayaa inta uu socdo lagaga doodayaa qodobo ay kamid yihiin;

1. Xogsiinta xubnaha Golaha Xukuumadda cusub dhinacyada habraacyada iyo xeer hoosaadka Golaha.

2. Diyaarinta ” Qorshayaasha hortabinta leh ee 2019 ” ee hay’addaha dowladda.

3. Xoojinta wadashaqaynta hay’addaha dowladda.

4. Ka doodista arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, si loo abuurto jawi iyo fahan ballaaran oo ku saabsan maaraynta iyo hogaaminta dalka.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News

IDIL NEWS