Madaxa VNG International oo ka warbixiyay Waxqabadka Hay’adda ee Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guuleed Axmed, Madaxa Hay’adda VNG International ee Puntland, ayaa ka hadlay Waxqabadyada Hay’adda ee Degaanada Puntland iyo sida ay u caawiyaan Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Dowladda Puntland.

Madaxa Hay’adda VNG International, ayaa Sheegay inay bilaabeen Dardar-gelinta Tayeynta ururka Dowladaha Hoose ee Degaanada Puntland ee loo yaqaan Al-GABAD, isla markaasna ay Hay’addu tababaro dibedda ah u qaaday Mas’uuliyiin katirsan Dowladaha Hoose ee Puntland.

Sidoo kale, Mr. Guuleed Axmed, ayaa Sheegay in Hay’adda VNG International oo ay wehlinayaan Guddoomiyaha Ururka dowladaha hoose ee Puntland ahna Duqa Caasimadda iyo xubno kale, ay socdaal ku tageen Wadamo kale oo katirsan Yurub, si ay ugu raadshaan taageero.

Waxaa uu sheegay inay heleen Balanqaadyo ku aadan inay taageero dhaqaale iyo tababaro la siin doono Dowladaha hoose ee Puntland, kuwaas oo uu sheegay in looga fa’ideynayo Mas’uuliyiinta si loo helo Waxqabad tayo leh.

Hay’adda VNG International ayaa waxaa ku mideysan 355 kamid ah Dowladaha Hoose ee Dalka Holland, Iyadoona Hay’addu ay tababaro iyo taageero siiso ururada Dowladaha hoose ee Wadamada Africa.

Daawo.

IDIL NEWS