Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Khudbad ka jeedinaya Shirka Africa Now.

KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa lagu wada in Maanta oo Arbaco ah in la soo geba gabeeyo,waxaana khubad dheer la filayaa in uu ka jeediyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo taas oo uu kaga hadli doono arrimaha, Amniga, Kobaha Dhaqaalaha iyo isdhexgalka wadamada Geeska Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Kumaan Ergo oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo shirkaasi martigeliyey, waxaana inta ka hasran shirkaas laga hadli doonaa sida lagu kobcin karo dhaqaalaha Wadamada Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Uganda oo tiro laba jeer ah sheegay hadalo uu ugu gefay Soomaaliya.

IDIL NEWS