Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Puntland oo gaaray Gobalka Sanaag.

BADHAN (IDIL NEWS)-Wafti isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowladda Puntland ayaa maanta gaaray Degmooyinka Badhan iyo Dhahar ee Goboladda Sanaag iyo Haylaan.

Wasiirada iyo Xildhibaanadan oo kasoo jeeda Gobalada Sanaag iyo Heyland, ayaa si weyn waxaa u soo dhaweeyay Shacabka iyo Maamulada Degmooyinka Badhan iyo Dhahar, iyagoona Waftigu sidoo kale ay ku istaageen Degaano ka tirsan labada Gobal.

Wararka ayaa sheegay in Xubnaha labada Gole ee Dowladda Puntland ee gaaray Gobalada Snaaag iyo Heyland ay la kulmayaan Waxgaradka Degaanadaas, si ay ugala hadlaan Dulaanka Somaliland kusoo qaaday degaano kamid ah Sanaag.

Socdaalka Waftigan ayaa dhinac socda Howlgal culus oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Deni, kaas oo ay Ciidamada Puntland ka bilaabeen Gobalka Sanaag, Iyagoona haatan kusii siqaya Degaanka Yubbe oo ay dhowaan la wareegeen Ciidamada Somaliland.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS