Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland

GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa Goor-dhaweyd lagu soo Gaba-gabeeyay Shirweynaha jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Dawladda Puntland, kaas oo Saddex maalin ka socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirkan oo uu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 15 Qodob, kuwaas oo ku saabsan waxyaabihii looga hadlay iyo Go,aanada ay isla qaateen Golaha Xukuumadda Puntland.

Akhriso War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Jiheynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland.

IDIL NEWS