Badhan: Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Puntland oo kulamo ka wadda Sanaag (Daawo)

BADHAN (IDIL NEWS)-Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Dowladda Puntland, oo shalay  gaaray Degaano katirsan Gobalada Sanaag iyo Heyland, ayaa kulamo ka wadda Gobalka Sanaag.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay qaar kamid ah Waxgaradka Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, oo ay ka wada-hadleen Xaaladaha amni iyo abaareed ee Degaanka.

Xubnaha ka socda Dowladda Puntland iyo Waxgaradka ayaa si weyn u lafa-guray Duulaanka Somaliland  ay kusoo qaaday Degaano katirsan Gobalka Sanaag, Iyagoona isla qaatay inay muhiim tahay in Dowladda Puntland ay jawaab adag ka bixiso.

Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyon), oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankii Hor-dhaca ahaa ee Xubnaha labada gole ee Dowladda Puntland iyo Waxgaradka la isla go,aamiyay in laga jawaabo Daan-daansiga Somaliland iyo xad-gudubka joogtada ah ee ay ku heyso Dhulka Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS