Faallo:-Doorka Puntland Ee Wada hadalada D.Fadaraalka iyo Maamulka Somaliland

Magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir ka socday sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay,kaasoo looga xaajooday jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland.

Shirkan,ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana soo xiray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Qodobada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa oo laga xusi karaa qodob oranaya in Puntland ay ka qeyb-gasho wada-hadallada Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,

Puntlan,ayaa sheegtay in wada xaajoodkaasi khuseeyo khasabna ay tahay in ay qayb ka ahaato,

Balse hadalkan,ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jiraan xogo lagu kalsoonaan karo oo tilmaamaya in Puntland iyo Somaliland uu jiro wadahadalo qarsoon oo usocda ayna dhici karto in ay ku kulmaan labada Madaxweyne Adis-ababa dhawaan.

Dhanka kale cod si ogaansho la’aan ah looga qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Dhoobo,ayuu ku muujiyay in uu jiro wada hadal qarsoon,isla markaana Somaliland Ciidankeedii dib uga qaadatay Tukaraq.

Gudoomiye Dhoobo waxuu kaloo sheegay in ay Puntland ku hawlantay qorshaynaysana xakamaynta Col.Caare oo mucaarad ku ah maamulka Muuse Biixi,si loo ilaaliyo wada hadalada socda.

Sidoo kale waxaa maalin ka hor is casilay Talyihii iyo Abaanduulihii Daraawiishta Puntland,kuwaasoo ka gadooday markii Madaxtooyadu ka hor timid qorshe difaac oo ay ka diyaariyeen hawlgalka Somaliland ee Sanaag.

Si kastaba ha ahatee waxay umuuqataa in qodobkan ka midka ahaa warmurtiyeedkii shirka jihayanta siyaasada Dowlada Puntland ee maanta soo baxay uu yahay qaboojin iyo qawda maqashii waxna u qaban loogu talagalay shacabka ka gadooday xogta uusii daayay Gudoomiye Dhoobo.