Gaalkacyo: Xukun lagu riday Rag ku eedeeysanaa Kufsi wadareed (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Mudug ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageeed ah ku riday dhalinyaro ku eedeysnaa inay geysteen kufsi wadareed.

Xubanaha ay xukunka ku riday Maxkamaddu oo ahaa Saddex Dhalinyaro ah, ayaa kala ahaa Feysal Maxamed Maxamuud, Maxamed Burhaan Daahir iyo Maxamed Cali Cabdi xoosh, ayaa Maxkamaddu ku kala xukuntay;

  1. Feysal Maxamed Maxamuud, 20 Sanno oo xarig ah iyo 15 oo Dollar
  2. Maxamed Burhaan Daahir, 20 xarig ah iyo Sharaf dhicii dhibanaha
  3. Maxamed Burhaan Daahir, 10 sanno xarig ah iyo 1000 dollar oo Ganaax Dowladeed.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Mudug, ayaa sheegay in muddo 30 berri ah gudahood racfaan looga qaadan karro Xukunka lagu riday Saddexda eedeeysane.

Daawo.

IDIL NEWS