Garoowe: Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland oo lasoo gaba-gabeynayo.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa lagu wadaa maanta in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland lagu soo gaba-gabeeyo shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Garoowe.

Shirkan oo inta uu socdo si weyn loogu lafa-gurayay Jiheynta Siyaasadda Xukuumadda cusub ee Puntland, ayaa waxaa daah-furay Maalinimadii Talaadada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, isagoona furay Golaha Wasiirda cusub inay isla gaaraan Mowqifyo cad cad oo guulo u horseeda Shacabka Puntland.

Shirka oo qorshihiisu ahaa Saddex Maalmood, kana socday Xarunta Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Puntland, ayaa la filayaa in Gaba-gabadiisa maanta laga soo saaro War-murtiyeed ku saabsan Waxyaabaha kasoo baxay iyo Siyaasadaha Dowladda ee ay soo bandhigeen Wasaaraduhu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa in uu ka jeediyo gaba-gabada Shirka Khudbad dar-daaran ah oo ku aadan fulinta Qorshayaasha Wasaaradaha ee la isla qaatay iyo in loo adeego shacabka Puntland oo haatan wajahaya xaalado isugu jira Colaad iyo abaaro.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS