Gudoomiye Dhoobo oo laga duubay cod sir ah oo khatar ku ah jiritaanka Puntland (Daawo)

Hadalka umuuqda in Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Dhoobo Daareed si ogaansho la’aan ah looga duubay,ayaa noqday mid sii xoojiyay tuhun iyo warar hore ee suuqyada ku jiray.

Arimaha uu xaqiijiyay oo daahii saarnaa ka qaaday Gudoomiye Dhoobo,waxaa ka mid ah ama ugu muhiimsan kuwan soo socda;-

1.Dowlada hada jirta ee fadhida Villa Puntland in ay khatar u aragto Qardho iyo Boqortooyada waxay ahayd wax si caadi ah looga sheego fadhi ku dirirada,balse Gudoomiye Dhoobo,ayaa si cad u cadeeyay.

2.Dowlada lagu xanto in ay saamayn xoog badan ku leeyihiin kooxda Aarn-jaan in ay qorshaynayso Col.Caare in Puntland laga saaro ,iyadoo maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi hogaamiyo lagu qancinayo waxay ahayd war suuqa yaalay,balse Gudoomiye Dhoobo,ayaa daaha ka rogay.

3.Dowlada Madaxweyne Deni in ay maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Muuse Biixi heshiis buuxa la gashay horayna ay taageero dhaqaale uga heshay xiligii olalaha doorashada,waxay ahayd war suuqa yaalay,balse Gudoomiye Dhoobo,ayaa xaqiijiyaya,waxuuna sii raaciyay hadalkiisa in ay Ciidamadooda kala baxeen furinta hore ee Tukaraq.

Caare waa umuhiim marka laga hadlayo siyaasada Puntland ee maamulka Somaliland,waana mid ka mid ah qorshayaashii uu Madaxweyne Gaas kula dagaalamayay kana tagay.

Isku soo wada duuboo hadalka Gudoomiyaha Sodoga u ah madaxa aaran-jaan Maxamuud Shido oo lagu tilmaamo in uu yahay hogaamiyaha dadban ee Dowlada Madaxweyne Deni hogaamiyo wuxuu khatar ku yahay qadiyadaha bulshada reer Puntland ee mustaqbalka dhow iyo midka fogba,hoos ka daawo muuqaalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA