Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn ka dhacday Sh/hoose (War-saxaafadeed)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 12- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Huley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.

Mareykanku mashaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,hayeeshee waxa ay xaqiijiyeen in duqeyntaa aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana horantii todobaadkaan weerar dhinaca cirka ah uu ku qaaday deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose.

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

IDIL NEWS