Midowga Yurub oo $94 Milyan oo dollar ku bixinaya Hormarinta Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka fulin doonaan Barnaamij lagu kordhinaayo horumarada Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto  lacag dhan 94 Milyan oo Dollar

Wakiilka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amba. Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa Arbacadii shalay sheegay in iyaga iyo dalalka ay wadashaqeynta la leeyihiin ay siwadajir ah u fulin doonaan mashaariicdaas,isla markaana laga gol leeyahay xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa waxa uu  sheegay in tallaabadaan inay tahay mid lagu kordhinaayo miisaaniyadda Dowladda, si loo xoojiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub,isla markaana dowladda ay ku bixiso qarashaadka la xiriira shirarka iyo adeegyada kale ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya waxa uu ka taageeraa dhinacyo farabadan, sida ammaanka, tababarida Ciidamada Dowladda,bixinta mushaaraadka iyo arrimaha Siyaasada,waxaana sidoo kale Midowga Yurub uu maalin ka hor Kismaayo ka furay mashruuc bilaaw u ah mid laga fulin doono dhamaan dalka Soomaaliya.

IDIL NEWS