Wada-hadalo u dhexeeya DF Soomaliya Iyo Somaliland oo bishan ka furmaya Ghana (Daawo)

DUBIA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Wada-hadaladan ay dhex dhexaadinayaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afica, Mareykanka iyo UK, laguna dhisi doono Guddi sii wada dhex dhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biixi oo la hadlayay xalay Dadka kasoo jeeda Degaanada Somaliland ee degan Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa tilmaamay inuu aaminsan yahay in Wada-hadaladani dhinaca DF Soomaaliya, maadama hada Madaxda dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin wada hadaladaas.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan wada hadalada uu sheegay Madaxweynaha Somaliland inay bishan ka dhici doonaan dalka Ghana ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika

Daawo.

IDIL NEWS