Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Samater oo 30 kaddib Soomaaliya kusoo laabtay (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Fanaaniinta caanka ah ee Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa soddon sano kadib ku soo laabtay caasimada dalka ee Muqdisho.

Labadan fanaan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadkii la socday wafdiga uu horkacayay madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xasan Aadan Samatar oo ka hadlayay dareenkiisa ayaa yiri“Waan soo laabanay waana ku faraxsanahay in aan dalkeenee dib ugu soo laabanay, waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Ismaaciil cumar geelle oo iga codsaday inaan soo raaco”

Sidoo kale Axmed Cali Cigaal ayaa sheegay in uu aad u faraxsana yahay isla markaana farxadiisa ay la mid tahay mid uu hawada sare marayo.

IDIL NEWS