Galgala: Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Puntland oo baneeyay Jiidaha Dagaalka.

GALGALA (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Galgala ee Gobalka Bari, ayaa Sheegaya in Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ay baneeyeen Saaka Jiidaha Dagaalka ee Degaankaas.

Ciidamada oo la sheegay inay isugu jiraan Daraawiish iyo Boolis ayaa gaaray Tuulada Jimbac, oo qiyaastii 28-KM dhanka Bari kaga began Degaanka Af-urur.

Wararka ayaa Sheegaya in Ciidamadan baneeyay jiidaha dagaalka ee Galgala, ay ka cabanayaan Mushaar la,aan heysatay bilihii ugu dambeeyay, taas oo sababtay inay isaga baxaan aagaga dagaalka.

Degaanka Galgala iyo dhulka buuraleyda ah eek u dhow ayaa waxaa ku dhuumaaleysan dagaalamayaal kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, Iyadoona Ciidamada Difaaca Puntland ay ka fuliyaan Howlgallo joogta ah, kuwaas oo lagu dilay Dagaalamayaal ah Al-Shabaab ah, laguna bur-buriyay saldhigyo ay lahaayeen.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS