Mudug: Xaalad Biyo la,aaneed oo ka taagan Degaanka Jeexdin (Daawo)

JEEXDIN (IDIL NEWS)-Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland, ayaa Booqday deeganka jeexdin oo ay ka taagan tahay Xaalad Biyo la,aaneed, kaddib markii uu jabay Ceelkii Degaankaas.

 Duqa Degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad ayaa sheegay in Xaalad adag oo biyo la,aaneed ay ka jirto Degaanka Jeexdin, maadama uu jabay Ceelkii Degaanka oo ay ku tiirsanaayeen Boqolaal Qoys oo degan Degaanka iyo Dadka Reer Miyiga ah.

Duqa Gaalkacyo ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si deg deg ah looga jawaabo Xaalada Degaanka Jeexdin, Isagoona ugu baaqay Dowladda Puntland, Shacabka iyo Hay’adaha Caalamiga ah in laga qeyb qaato dib u kicinta Ceelka Degaanka Jeexdin oo ah mid ay ku tiirsan yihiin Boqalaal Qoys oo isugu jira Dadka degaanka iyo Reer Miyi.

Daawo.

IDIL NEWS