DEG DEG: Dagaal beeleedyo dib uga bilowday Sh/dhexe.

CADALE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa Sheegaya in Saaka uu dagaal ka socdo Degaano hoos taga Degmada Cadale ee Sh/dhexe.

Dagaalkan oo ah mid u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed, ayaa si culus uga socda Degaanka Burdheere, Iyadoona uu jiro Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, wallow aan la ogeyn inta uu le’eg yahay.

Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu markale dagaalka ku bilaawday.

Labada beelood ee wada dagaalamaya ayaa waxaa horay Shirar dib u heshiisiin ah loogu qabtay Magaalooyinka Jowhar iyo Cadale, wallow shirarkaas aysan jirin wax kasoo baxay.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News

IDIL NEWS