Diyaaradihii laga wareejiyay garoonka diyaaradaha Bosaso oo dib loogu celiyay

Garoonka diyaaradaha ee Bosaso waxaa maanta Kulan ku yeeshay Maamulka Shirkadda Diyaaraadaha Daallo Airlines, Kabtanada diyaarada Iyo Waxgaradka Bossaso. Shirkaan Oo la isku Jilba-jabsaday ayaa Labada dhinac Aad uuga wada hadleen sababta ku Kaliftay in Shirkadda Diyaarada Daallo Airlines in ay Joojiso Duulimaadyadii Dubai Bossaso.


Shirkaan waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Dhedo, Duqa Degmada Abdisalaan Bashiir, Gen Abdulaahi Siciid Samantar, Dr Yaasiin Faarax Cartan, Oday Siciid Warmajaanle, Faarax Muuse Siciid,Ganacsade Daahir Ayaanle, Ganacsade Liibaan Dheere, Ganacsade Faysal Wahaabi, Ganacsade Maxamuud Xussien Maxamuud Afcase, Cabdilaahi Kalif, Cabdirashiid Dhagaseyn, Eng Maalfo.

Kabtanada diyaarada Daalo ayaa sheegay in dabayl xiliga hore ee subaxdii ka dhacda Garoonka ayay mararka qaarkood dhib ku keeni karto diyaarada balse ay dib u dhigayaan xiliga diyaarada imaanayso Bosaso.

Dhinaca kale. Duulimaadkii Daalo ee Dubai-Bosaso- Muqdisho oo markii hore loo wareejiyay Garoowe maalinta beri ah ayaa Maamulka shirkadu oo aan la xiriiray waxay ii sheegeen Duulimaadkaasi uu sidiisii hore loo daayay balse labo saacadood dib loo dhigay.

Kulankan,ayaa waxaa keenay in uu qabsoomo kadib markii shalay uu Wasiirka Duulista iyo Garoomada Puntland uu sheegay in dhamaan diyaaradaha ka dega garoonka diyaaradaha Bosaso loosoo wareejin doono Garowe.