Madaxweynaha Jabuuti oo Baaq u diray Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya (Daawo Khudbadda)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa qudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Sare.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa qudbadiisa waxa uu ugaga hadlay qiimaha ay leedahay dowladnimada isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay tahay in qofka mas’uulka laga sugayo.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay in uu Khudbad u jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo uusan furneyn Kal-fadhiga Baarlamaanka.

“Waa inaan marwalba maskaxda ku hayno dadkii na doortay waxa ay naga sugayaan, oo ay ka mid tahay inaanan is qabqabsanin,in aan ka fekerno sidii looga saari lahaa barkacayaasha dhibaatada oo aan dib ugu soo celin lahayn hantidoodii, iyo in weliba sidii hantida dowlada dib loogu soo celin lahaa.”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu tilmaamay in Amaanada ugu weyn ee Baarlamaanka saaran ay tahay in midnimada la ilaaliyo oo aan la niyad-jabin Shacabka,isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeyo Midnimada dowladda.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalka Jabuuti waxa uu kula dardaarmay xildhibaanada labada gole iyo mas’uuliyiinta dalka isku tanaasul oo ku tilmaamay in ay tahay mid hormar wacan lagu gaari karo.

Halkaan Hoose Ka Daawo.

IDIL NEWS