Madaxweyne Deni oo amar deg deg ah siiyay Wasiirka Cadaalada Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku bixiyay in si deg deg ah loo fuliyo Baahiyaha ay qabaan Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland S/Gaas. Cali Nuur Cumar, oo warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u bulanqaaday Ciidanka Asluubta in uu siinayo muhiimad gaar ah.

S/Gaas Cali Nuur ayaa tilmaamay in ay u gudbiyeen Madaxweynaha Baahiyo haystay in muddo ah, ayna ku shaqeeynayeen Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Iyadoona Madaxweyne Deni amray Wasiirka Cadaaladda Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo daboolo baahiyaha Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo shalay kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ayaa sheegay inay ciidamadani ka duwan yihiin Ciidamada kale ee Puntland, maadama ay yihiin kuwo loo baahan yahay inay dhaqan ceshaan Dadka dhibta ku haya Bulshada.

Daawo.

IDIL NEWS