Maxaa ka jira in Duulimaadyadda Caalamiga ah ee Garoonka Boosaaso la joojinayo ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay), ayaa beeniyay Wararka sheegaya in diyaaradda Daallo Airline oo kamid ah diyaaradda kaliya ee duulimaadka caalamiga ka sameeya garoonka diyaaradaha Boosaaso loo wareejin doono Madaarka Gen.Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Wasiir Gabiley ayaa sheegay inay yihiin been abuur wararkaas oo ay baahiyeen Warbaahinta qaar, Isagoona tilmaamay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso uu yahay kan ugu casrisay, uguna adag Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mr. Gabilay, ayaa sheegay in Maalmaha soo socda uu u safri doono Dalka Talyaaniga oo uu ka helay Marti-qaad, ayna ka wada-hadli doonaan sidii loo dhameystiri lahaa Wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Daawo.

IDIL NEWS