Sool: Xiisad Dagaal oo ka taagan Magaalada Laas-caanood.

LAAS-CAANOOD (IDIL NEWS)-Wararka aan ka helayno Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, ayaa Sheegaya in Magaaladaas ay ka taagan tahay Xiisad dagaal, taas oo u dhexeysa labo Maleeshiyo Beeleed.

Xiisadan u dhexeysa Labada Maleeshiyo Beeleed, ayaa la sheegay inay salka ku heyso Dhul ku yaalla duleedka Magaalada, gaar ahaan agagaarka Madaarka Laas-caanood.

Dhinacyada ayaa la sheegay inay Saacadihii lasoo dhaafay isku Hub guranayeen, Iyadoona ay soo wajahday Dadka Degaanka cabsi ku aadan in uu saameyn ku yeesho dagaal dhaca saacadaha soo socda.

Maamulka Magalada laas-Caanood ee Soomaaliland oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin in labadaasi maleeshiyo beeleed ay wada dagaalamaan,isla markaana saameyn uu ku yeesho Bulshada Magalada.

Xiisada dagaal ee maanta ka taagan Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, ayaa kusoo adeysaa xilli weli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay degaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

IDIL NEWS