Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kormeeray Iskuulada Degmada Bursaalax (Sawirro)

BURSAALAX (IDIL NEWS)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, oo safar ku maraya Degmooyin katirsan Gobalka Mudug, ayaa Kormeeray Iskuulada ku yaalla Degmada Bursaalax.

Wasiirka Waxbarashada ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaya Wasiir ku-xigeenkiisa Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte iyo Guddoonka Waxbarashada Gobalka Mudug, Iyadoona ay si weyn u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Ardayda Iskuulada Degmada Bursaalax.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee la socota oo mid mid u kormeeray Dugsiyadda Waxbarashada ee Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug, Isagoona warbixino ka dhageystay Maamulada Iskuulada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa kula dar-daarmay Maamulka Iskuulada inay labo jibaaraan Dadaalkooda ku aadan kor u qaadista Waxbarashada Puntland iyo in la tayeeyo Aqoonta ardayda Degaanka wax ka barata.

Sawirro.

IDIL NEWS