Al-Shabaab oo dib u qabsatay Degaanka Dhanaane.

DHANAANE (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaas, kadib markii shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo horay uga qabsaday.

Baraha Internet-ka ee taageera Kooxda Al-Shabaab ayaa ay sheegeen inay dib ula wareegeen Dagaalamayaashooda deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ku yaalla dhinaca xeebta marka loo socdo degmada Marka.

Sidoo kale, Dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin, isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Cuutada 12 April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugnaa deegaanka Dhanaane, ayaa gebi ahaanba isaga baxay deegaankaas shalay gelinkii dambe, iyaga oo sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday mudooyinkii ugu dambeysay.

War-Saxaafadeed si wadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo.

IDIL NEWS