Bari: Kulan dhex-maray Wasiirka Xanaanada Xoolaha DPL iyo Saraakiisha Ciidamo gadoodsan

JIMBAC (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Jimbac ee Gobalka Bari, ayaa Sheegaya inay halkaas ka dheceen Kulamo u dhexeeya Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo shalay gaaray Degaankaas iyo Saraakiisha Hoggaaminaysa Cutubyo kamid ah Ciidamada Puntland oo dhowaan baneeyay Fariisimo ay ku lahaayeen Buuraleyda Galgala.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa la sheegay in Saraakiisha Ciidamada oo ka cabanayay Daryeel xumo iyo Mushaar la,aan lagu qanciyay inay ku laabtaan Fariisimahoodii.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan, ayaa la sheegay in uu u ballan qaaday Saraakiisha Ciidamada inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ka maqan, Isagoona ka dalbaday inay dib ugu laabtaan Furumaha hore ee Buuraleyda Galgala.

Sidoo kale, Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidamada Gadoodsan ayaa Wasiirka u sheegay inay ku laaban doonan fariisimahoodii, wallow illaa hadda ay joogan degaanka Jimbac oo dhanka bari ka xiga tuulada Afurur ee isla Gobolka Bari.

Ciidamadan ka Gadoodsan Xuquuq la,aanta ayaa Sabtidii soo baneeyay Furimaha dagaalka ee Buuraleyda Galgala, Iyadoona isla markiiba ay la wareegeen Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee PSF-ta iyo PMPF-ta, kuwaas oo horey u sameyn jiray Howlgallo joogto ah.

IDIL NEWS