Beledweyne: Wasiirka Difaaca Jabuuti oo booqanaya Saldhigyada Ciidanka Jabuuti ee Hiiraan.

BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Ujeedada Socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ee Magaalada Beledweyne, ayaa lagu sheegay in uu kormeer ku sameynayo Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, kuwaas oo ka howlgalla Gobalka Hiiraan.

Wasiir Bahdoon ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Saraakiisha Ciidamada Jabuuti eek u sugan Gobalka Hiiraan, Isagoona kormeer ku sameyn doona Xeryaha Ciidamada Jabuuti ku lee yihiin Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti uu booqan doono Degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi, kuwaas oo ay saldhigyo ku lee yihiin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, ayaa kamid ahaa wafdigii Madaxweynaha Jabuuti ee dhawaan yimid Magalada Muqdisho, Isagoona isaga haray waftiga oo shalay dib ugu laabtay Jabuuti.

IDIL NEWS