Hargeysa: Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo beeniyay Hadal kasoo yeeray Madaxweyne Biixi.

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Maxamuud xiir Faratoon, ayaa sheegay in aysan jirin waqti loogu talagalay in lagu dhawaaqayo inuu bilaawdo wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu doonayo inay bilaawdaan wada-hadaladaas ,balse aysan jiran waqti loo qorsheeyey inay wada-hadaasi furmaan.

Wasiirka oo la hadlayay Wargeyska Geeska ayaa ayaa tilmaamay inay iyagu doonayan in lasoo saaro waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, ayaa imaamanaya xilli dhawaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ka sheegay Dalka Imaaraadka Carabta in 19-ka Bishaan March oo ku beegan maalinimada burrito ah ay bilaabanayaan wada-hadalada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo ka furmay Dalka Ghana, sida uu sheegay Biixi.

IDIL NEWS