Holland: Weerar ka dhacay Magaalada Utrecht (VIDEO)

UTRECHT (IDIL NEWS)-Nin hubeysan ayaa waxa uu rasaas ku furay dad ku sugan Goob laga raaco tareenada oo ku taalla Magalada Utrecht ee dalka Holand, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warbaahinada Caalamka ayaa waxa ay tebinayaan in Ninkaasi rasaasta uu ku furay dadka ku sugnaa Goobta tareenada laga raaco inay dad farabadan u geysatay dhaawacyo qaarkood halis ah.

Saraakiil boolis ayaa waxa ay sheegeen in Ninka uu dadka isugu daray qeylo iyo rasaas taas oo dadka aragagax gelisay, waxaana Ciidamadu ay gebi ahaan xireen Goobta ay wax ka dhaceen.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la geeyey ciidamo farabadan oo boolis ah iyo diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca, iyada oo weli aan faah faahin laga bixin halka uu ku dambeeyey ninka weerarka geystay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Holand Mark Rutte ayaa sheegay in weerarkaas uu ka xun yahay,waxaana uu goordhow kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’adaha Amniga.

Daawo.

IDIL NEWS