Madaxda Hirshabelle oo lagu eedeeyay Dagaalka dib uga bilowday Sh/dhexe.

CADALLE (IDIL NEWS)-Xiisad kacsan ayaa ka jirta Degaanka Cadalle iyo Degaanada hoos-tagga, kuwaas oo uu shalay ka dhacay Dagaal culus oo u dhexeeyay Maleeshiyo Beeleed , marar hore ku dagaalamay Degaanka.

Wararka ayaa Sheegaya in Maleeshiyo gurmad ah ay Saacadihii lasoo dhaafay gareen Degaanka Burdheere ee Gobalka Shabellaha Dhexe, kaas oo ahaa degaankii dagaalka culusi shalay ka dhacay, Iyadoona uu bilowday qax ay sameynayaan Dadka Degaanka.

Inta la xaqiijiyay 30 Ruux oo dhinacyada dagaalamay aha ayaa ku dhintay Dagaalkii shalay ka dhacay Degaanka Burdheere, Iyadoona tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah la kala geeyay Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cabdalle Maxamuud, oo katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay dagaalkan Madaxda sare ee Maamulka Hirshabelle, maadama sida uu sheegay ay ka gaabiyeen wax ka qabashada muranka dagaalka sababay oo muddo sanadka kabadan soo taagnaa

Ma jirto illaa hada cid kala dhexgashay Maleeshiyo Beeleedkan dagaalamaysa, marka laga soo tago baaqyo kala duwan oo ay jeedinayaan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta, taas oo ku aadan in la joojiyo dagaalka.

IDIL NEWS