Puntland iyo Talyaaniga oo ka wada-hadlaya Dhameystirka Garoonka Boosaaso (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay), ayaa maanta u amba baxay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad uu ka helay Madaxda saree e dalkaas.

Wasiir Gabilay ayaa sheegay in inta uu ku sugan yahay Magaalada Roma uu kalamo la yeelan doono Madaxda sare ee Dalka Talyaaniga, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan Xoojinta Xiriirka Talyaaniga iyo Puntland iyo dhameystirka Mashaariic hormarineed ee talyaanigu ka fuliyay Degaanada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Puntland, ayaa xusay inay Dowladda Talyaaniga si gaar ah uga wada-hadlayaan dhameystirka Wajiga labaad ee Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Dowladda Talyaaniga ayaa Mashaariic hormarineed ka fulisay Degaanada Puntland, kuwaas oo ay kamid yihiin Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS